Dhaqaalo xumidii ugu balaarnayd oo soo wajahday Itoobiya 30-kii sano Ee ugu danbeeyay

Bangiga dhexe ee Ethiopia ayaa ku amray dhamaan bankiyada Ethiopia inaysan bixinin wax deyna, xataa kuwa damanada Guryaha, dhulka iyi hantida maguuranka ah laga dhigo. Dowlada ayaa sheegtay in sixir bararku marayo 52.5%, balse dhaqaale yahanada ayaa qaba inuu sadex jibaar inta dowladu sheegtay yahay ee dowladu qarxinayso xajmiga sixir bararka.

Dhaqaalo daridii ugu cuslayd ee soo Marta 30kii sano ee lasoo dhaafay ayaa haysata dowlada Ethiopia, waxaana la sheegaya in gobolo badan lagu arkayo dadka Gaajo udhimanaya, sidoo kale waxaa suurtagala xili kasta inuu dumo dhaqaaluhu, lacagta birtuna aad usii qiimo beesho.

A.A.Shu