Maraykanka Oo baaq udiray markale dhinacyada ku dagaalamaya Itoobiya

Mareykanka,ayaa markale ugu baaqay dhinacyada Itoobiya ku dagaalamaya in ay si degdega u yimaadaan miiska wadahadalka xili ergayga gaarka ah ee Mareykanka uqaabilsan Geeska Africa uu markale kusoo wajahan yahay Itoobiya.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan dhinacyada (dagaalamaya) inay si degdeg ah u yimaadaan miiska wadahadalka” Jake Sullivan, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Maraykanka.

Baaqa Mareykanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo todobaadkan ay Dowlada dhexe ee Itoobiya ka laabatey xabad joojintii halka dhinac ahayd ee ay horey ugu dhawaaqday.