Muxuu ka yiri Dhaqaalaha Doorashada Oo aan weli lawada helin Rooble?

Rooble,ayaa faahfaahin ka bixiyey dhaqaalaha ku baxaya doorashada iyo qoondada laga sugayo Beesha Caalamka oo aan weli laga wada helin.

Dhaqaalaha ku baxaya doorashada,ayaa gaareysa illaa $26 Milyan, taasoo inteeda badan laga sugayo beesha Caalamka.

Rooble ayaa xaqiiiyey in weli lacagtaas aysan soo wada gelin gacanta Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya,balse laga helay 7.2 Milyan Dolllar oo udhiganta 3-meeloodoo hal Meel.

Lacagta ay beesha Caalamka ay bixinayso marka laga soo tago,inta kale ayaa la qorsheeyay in ay kasoo xarooto musharixiinta u taagan xilalka labada Aqal ee Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya.

Musharax walba oo u tartamaya xilka Aqalka-sare,ayaa laga rabaa in uu bixiyo lacag $20-kun oo dollar,halka haweenka laga rabo 10$-kun oo oo dollar,sidoo kale musharixiinta Aqalka-hoose,ayaa laga rabaa 10$-kun oo dollar,halka Haweenka laga rabo 5$-Kun oo Dollar.

Maalmaha soo socdo,ayay iskugu tagataan Madaxda Somalidu Magaalada Muqdisho,iyadoo Maanta oo Jimce ah uu baaqday kulan horay loogu balamay sababo lagu sheegay soo dhamaansho la’aanta Doorashada Aqalka-sare.

Kulanka Muqdisho layskugu imaan doono,ayaa lagu ansixin doonaa,sida xogo lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan, Sadex Qodob oo kala ah…

1.Miisaaniyadda Doorashada.

2.Hal Goob Doorasho in lagu soo koobo Doorashada Aqalka-hoose.

3.In doorka Odoyaasha meesha laga saaro.

Sida wararku sii tibaaxayaan Qodobada horay looga heshiiyay ee hada wax laga badalayo,waxaa keenay wakhtiga oo kooban iyo dhaqaalaha oo yar.

Rooble,ayaa dalka dib ugu soo laaban doona maalmaha nagu soo aadan,iyadoo shaqada ugu weyn ee hortaalaa ay tahay sidii loo heli lahaa dhaqaalaha Doorashada lagu dhamaystirayo.

Jibril Qoobey.