Maxaa looga hadlayaa Shirka u furmay Midowga Musharixiinta ? (VIDEO)

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha DFS ayaa magaalada Muqdisho waxaa uga furmay shir socon doona muddo saddex maalmood ah, kaas oo looga hadlayo xaaladihii ugu danbeeyey ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa si gaar ah diirada loogu saari doonaa hannaanka Doorashooyinka Dalka ka bilowday ee Xildhibaanada BJFS, waxaana Musharixiintu ay wada-hadal la yeelan doonaan Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Dowlad Gobaleedyada iyo Wakiillada Beesha Caalamka.

Madaxweynayaashii hore ee Dalka, Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, iyo xubno kale oo kamid ah Midowga Musharixiinta ayaa ka qeybgalaya shirkan, waxaana laga gaba-gabadiisa laga soo saari doonaa War-murtiyeed.

Idilnews