Wasaaradda Deegaanka Puntland oo wada Olale la xariira ilaalinta deegaanka (VIDEO)

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda oo mudooyinkii ugu danbeeyey olole Balaaran wacyigelin ah kawaday gobolada kaladuwan ee Puntland ayaa shirar wacyigelin ah ku qabatay Magaalooyinka Badhan iyo Buraan oo ka kalatirsan gobolada Sanaag iyo Haylan.

Shirarkan ayaa waxaa ka qaybgalay maamulada heer degmo iyo Heer gobol, Waxgaradka, Aqoonyahanka, qaybaha kaladuwan ee bulshada iyo Dadka u taagan ilaalinta Deegaanka, La dagaalanka dhuxusha iyo hormarinta dhul daaqsimeedka iyadoo aydhinacyadii ka qaybgalayna isku afgarteen sii xoojinta dhamaan howlaha la xiriira ilaalinta Deegaanka.

Ololahan wacyigelinta ah ayaa kusaabsanaa samaynta taban ee dhuxusha ay kuleedahay Deegaanka iyo Nolosha bulshada ayaa ay wasaaraddu kusoo bandhigay warbixino iyo qiimayno laga sameeyey xaalada Dhuxusha iyo Dhibaatooyinka ka dhashay waxaana laga sameeyey Ololahaan guud ahaan gobolada kaladuwan ee Puntland, sidoo kalena waxaa xusid mudan in gobolada Sanaag iyo Haylan oo hormuud u ahaa ololayaasha kaladuwan ee laguladagaalamayey xaalufinta dhirta oo tusaale wanaagsan u noqotay guud ahaan gobolada Puntland.

Idilnews