Xiriirkii kubadda cagta Puntland oo is-casilay, eedeyna u jeediyay Wasaaradda Ciyaaraha (VIDEO)

Xiriirka kubadda cagta Puntland oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa ku dhawaaqay inay dhamaantood is-casileen.

Xubnaha xiriirka kubadda cagta ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland in ay ka wadi waayeen shaqada.

Is-casilaadooda ayaa imaanaysa daqiiqado kaddib markii Guddi loo saaray khilaafkii ciyaartii xulalka Gobalada Nugaal iyo Sanaag ay sheegeen in khalad lagu waayay ciyaaryahanadii labada xul oo ciyaarta dib loogu laabanayo.

Idilnews