Afghanistan: Taliban oo la wareegtay qeybo kamid ah Kabul

Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in dagaalyahanada Ururka Talibaan ay la wareegeen qeybo kamid ah magaalada Kabul ee caasimadda dalkaas.

Ururka Taalibaan ayaa horay u qarka u saaranaa inuu dib ula wareego gacan ku haynta waddanka Afgaanistaan, xilli magaalada caasimadda ah ee Kabul ay haatan tahay magaalada kaliya ee wayn ee ay dowladdu maamusho.

Qabshada Jalalabad iyadoon wax dagaal ah uusan ka dhicin ayaa waxa ay magaalada caasimadda ah ee Kabul ka dhigaysaa magaalada kaliya ee wayn ee ay weli dowladdu gacanta ku hayso.

Waxa ay daba socotay markii Sabtidii ay ciidammada dowladda kala wareegeen magaalada waqooyiga ku taal ee Mazar-i-Sharif.

Idilnews