Afghanistan: Madaxweyne Ashraf Ghani oo isaga cararay magaaladda Kabul

Madaxweynaha Dalka Afghanistan Ashraf Ghani, ayaa ka duulay magaaladda Kabul, isagoona kusii jeeda Dalka Tajikistan, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Afghanistan.

Warbaahinta Al-Carabiya ayaa sheegtay in Madaxweyne Ashraf Ghani uu is-casilayo, sidoo kalena uu xukunka ku wareejinayo Ururka Taliban.

Dagaalyahanada Taliban ayaa la wareegay guud ahaan magaalada Kabul, waxaana bayaan ay soo saareen ku sheegeen inay is dajiyaan dadka Afghanistan.

Idilnews