Booliska Puntland oo howlgallo ka wada magaalada Boosaaso (VIDEO)

Ciidamada Booliska Gobalka Bari ayaa howlgalo Lagu Xaqiijinaayo amniga ka sameeyay Xaafadaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Howlgalkan ayaa ujeedkiisu ahaa adkeynta amniga magaalada iyo ka hortagista falalka dhibaatada ku ah Bulshada, waxaana intii uu socday Ciidammadu ay baarayeen gaadiidka, goobaha ganacsiga,Huteelada iyo guryaha.

Ciidammada ayaa dad ay ku tuhmayeen falal ammaan darro u gudbiyay saldhigyada magaaladda, si loogu sameeyo baaritaan. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa ugu baaqay shacabka Boosaaso inay la shaqeeyaan Ciidammada Amniga.

Idilnews