Dhismaha Wadada cusub ee “BBG” oo laga dhagax dhigay degmadda Burtinle (VIDEO)

Degmada Burtinle ee gobalka Nugaal ayaa saaka laga dhagax dhigay dhismaha wadada “BBG“ oo lagu dhisayo “Hab Isku Tashi Ah“, wadadaan ayaa isku xiri doonta Burtinle, Buubi iyo Garacad.

Dhagax dhiga ayaa waxaa ka qayb galay Fiqi Cabdinaasir Maxamuud, Wasirka howlaha, Axmed Bashiir, Xildhibaan Cawil Xassan Daad, Xildhinaan Fu`aad Abshir Adeer, Agaasimaha duulista hawada, Cismaan Cali Yuusuf, Xildhibaan hore Shaacuur, Siyaasi Cali Xaaji Warsame, Duqa degmada Burtinle, Sayid Maxamuud Xirsi, guddi horumarinta degmada Burtinle, xubno ka socday golaha deegaanka Jariiban, Shirkadda Kebarco iyo qaybaha bulshadda.

Shirkadda Wadaniga ah ee Kebarco ayaa dhisay wadadaan, Shirkadda ayaa mar walba qayb wayn ka ah horumarka socda.