Midowga Musharixiinta oo maalintii labaad ku shirsan Muqdisho

Waxaa maalintii labaad ka soconaya magaalada Muqdisho Shirka Midowga Musharixiinta Madaxweynaha DFS, kaas oo looga hadlayo xaaladihii ugu danbeeyey ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Shirkan ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saari doonaa hannaanka ay ku bilowdeen Doorashooyinka Dalka ee Xildhibaanada BJFS, waxaana Musharixiintu ay wada-hadal la yeelan doonaan Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Dowlad Gobaleedyada iyo Wakiillada Beesha Caalamka.

Gaba-gabada Shirka oo ah maalinka berri ah ayaa Midowga Musharixiinta waxaa ay soo saari doonaan War-murtiyeed, ku saabsan waxyaabaha kasoo baxay doodahooda.

Idilnews