Shir looga hadlayo kor u qaadista shaqo wanaaga Hanti-dhowrka oo lagu qabtay Garoowe

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa shir guddoomiyey kulan looga hadlayey kor u qaadista shaqo wanaaga Hanti dhawrka Gudaha (Enternal Audit).

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay Khabiirka Wasaaradda Maaliyadda kala shaqeeya Hanti dhawarka Gudaha (Enternal Audit) Abdalla Amiir iyo dhammaan waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda.

Khabiirka ayaa soo bandhigay 4-buug oo ku saabsan Hanti dhawarka Gudaha (Enternal Audit) Waxaa uu khabiirku ku booriyey Wasaaradda maaliyadda in la hirgaliyo dhammaan xogaha uu soo bandhigay si loo hagaajiyo shaqada hanti dhawarka gudaha.

Sidoo kale khabiirku Waxaa uu soo bandhigay caqabadaha jira hada oo ku saabsan hawl socod siinta, wuxuuna bixiyey Tusaalooyin iyo ficilo ka qayb qaadanaya in sida ugu wanaagsan loo abaaro shaqada Hanti dhawarka gudaha.

Ugu dambeyn Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa faray dhammaan waaxyaha kal duwan ee wasaardda Maaliyadda in muhiimada la saaro sidii loo darsi lahaa macliuumaadka uu khaabiirku la wadaagay Wasaardda laguna soo celiyo Wasaardda wixii fikrado ah oo lagu siyaadin karo xogaha.

Idilnews