Wasiirka Gaashaandhigga DFS oo loo doortay Senator kamid ah Aqalka Sare

Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Gaashaandhigga DFS ayaa Senator kamid ah Aqalka Sare ee BJFS loogu doortay magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed, kaddib doorasho goor-dhaweyd qabsoomtay.

Xasan Xuseen ayaa helay 71 cod, halka musharaxa la tartamayay oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi uu helay 11 cod, waxaana xumaaday 3 cod.

Senator Xasan Xuseen Xaaji, ayaa noqonaya Wasiirkii ugu horeeyay ee kamid ah XFS oo loo doorto xubin kamid ah Baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Idilnews