Ra’iisul Wasaare Rooble oo u amba-baxay Dalka Masar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi oo hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Qaahira oo ah Caasimadda dalka Masar.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa casuumad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Masar Cabdulfataax Alsiisi, isaga oo kulan la qaadan doono Madaxda dalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha oo safarkiisa ay ku weheliyaan xubno katirsan Golihiisa Wasiirada iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda Dalka Masar, iyo jaaliyadda Soomaliyeed inta uu joogo Magaalada Qaahira.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tan iyo markii lagu wareejiyay mas’uuliyadda amni iyo doorasho ee dalka waxaa uu bilaabay soo celinta xiriirkii Soomaaliya ay la leheyd dalalka qaar oo xumaada.

Idilnews