Sidee Ra’iisul Wasaare Rooble loogu soo dhaweeyay Dalka Masar ? (VIDEO)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar halkaas oo si diirran ugu soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Masar Moustafa Madbouly iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dalkaa.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Casuumad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Alsiisi.

Ra’iisul Wasaaraha oo safarkiisa ay ku weheliyaan xubno katirsan Golihiisa Wasiirada iyo Mas’uuliyiin kale oo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda Dalka Masar inta uu joogo Qaahira.

Halkan ka daawo muuqaalka

Idilnews