Dad kalluumeysato ah oo ku dhintay xeebaha Gobalka J/hoose

Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa ka hadlay dad kalluumeysato ahaa oo ku dhintay Xeebaha Gobolka Jubbada Hoose, kadib dabeylo xoogan oo ka kacay Xeebaha Gobolkaas.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga & kheyraadka Badda Jubbaland Cabaas Cali ibraahim, ayaa sheegay in dabeeylaha kacay ay sababeen inay qalibmaay 11 doomood, isla markaana ay ku dhinteen 5 Ruux oo kalluumeysato ahaa.

Wasiir Cabaas ayaa intaas ku daray in ay dabeylaha sidoo kale burburiyeen Guryo ku yaal Xaafada Calaleey ee magaalada Kismaayo, kuwaas oo xigay dhinaca Badda, balse aan wax khasaaro ah ka dhalan.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga & kheyraadka Badda Jubbaland Cabaas Cali ibraahim, ayaa uga digay dadka ku nool xeebaha Gobolka & Kalluumeysatada Gobolka Jubbada Hoose inay Badda galaan, isla markaana ay taxadar ka muujiyaan dabeeylaha socda.

Idilnews