Guddoomiyihii deegaanka Garasbaaleey oo lagu dilay Qarax (VIDEO)

Gudoomiyaha deegaanka Garasbaaleey ee Duleedka Magaalada Muqdisho Maxamed Abuukar Afrax ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray qarax lala eegtay gaari uu saarnaa.

Alle ha u Naxariistee Maxamed Abuukar Afrax ayaa la sheegay inuu marayay xilliga qaraxa lala beegsaday gariga uu saarnaa inta u dhaxeysa Degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaleey Gaar ahaan waaxda Fooriloow.

Idilnews