Video:-Maraykanka oo markale qeexay ujeedkoodii gelida Afgaanistaan

“We went to Afghanistan almost 20 years ago with clear goals: get those who attacked us on September 11, 2001 — and make sure al Qaeda could not use Afghanistan as a base from which to attack us again.

We did that — a decade ago.

Our mission was never supposed to be nation building”

Waa hadal cad oo ku fadhiya ujeedooyin qeexan.

Maraykanku waxuu hubsaday in Afgaanistaan iyo caalamka kale aysan jirin khatar argagixiso oo uga imaanaysa.

Gelidii Afgaan waxay fududaysay oo jidmar u ahayd dano badan oo reer Galbeed oo hada umuuqda in la dhamaystiray.

Ugu danbayn Maraykanku waxuu Afgaanistaan kasoo baxay,iyadoon aan khatar ku ahayn,isla markaana Taalibaan isaga u adeegayaan.

Balse guud ahaan dib uqabsashada Taalibaan ee Afgaanistaan waxay dhiirigelin unoqotay xagjiriinta caalamka oo idil,waxayna isku dayayaan hirgelinta waxa ay ugu yeeraan Boqortooyooyin Islaami ah.

Halkan ka daawo muuqaalka

Jibril Qoobey.