Puntland oo ka hadashay howlgallo ka dhacay magaaladda Gaalkacyo (VIDEO)

Taliye kuxigeenka Qaybta Booliska Gobolka Mudug G/dhexe Cabdi Siciid Xuseen (Koomaad), ayaa ka warbixiyay xaalada Ammaan ee Gobalka, Howlgallo Ciidammada Boolisku sameeyeen iyo kala wareejinta geel ay kala dheceen Beelo kasoo kala jeeda deegaanada Puntland iyo Galmudug.

G/dhexe Koomaad ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay gacanta ku dhigeen kooxo moobilada ka furan jiray xaafadaha magaaladda Gaalkacyo, kuwaas oo dhibaateyn jiray shacabka, kaddib howlgallo laga sameeyay xaafadaha magaaladda.

Idilnews