Safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga oo warqadaha aqoonsiga laga guddoomay (VIDEO)

Danjiraha Cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya dhawaan u magacaawaday Sacuudiga ayaa warqadaha aqonsiga danjirenimo u gudbiyay Wasaaradda Arimaha Dibadda dalkaas.

Danjire Saalim Macow Xaaji ayaa waxaa waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay wasiir kuxigeenka wasaaradda Arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha baratakoolka Sayid Khaalid Bin Feysal.

Idilnews