Taliban iyo saamaynta Soomaaliya (WARBIXIN)

Asaaskii Taliban

Kooxdu waxay soo ifabaxday markii ugu horaysay 1996 , waxaana hogaan iyo ciidan u ahaa dhalinyaro iyo culumo ku abtirsada madrasada fiqhiga ee Diyuubandi oo asal ahaan ah Magaalo aqoonta diinta lagu barto oo dhanka Hindiya ku taal , gaar ahaan qaybta xarunta ee Daarul Culuum. Waxaana macnuhu yahay in markii Ingiriisku ku wiiqay Muslimiinta dhanka Hindiya in aqoontii Diyubandi usoo wareegtay dhanka Affghanistaan , gaar ahaan dhulka ay degaan dadka Bashtuunka oo Taliban ku abtirsadaan.

Xaruntu waxay fiqhi ahaan ku dhisantahay madhabka Xanafiga , caqiido ahaana madarasada Maatruudiyada oo u dhaw Ashacariyada oo ka mid ah madaariista ugu waawayn Ahlu Sunnaha marka laga hadlayo caqiidada iyo cilmi kalaamka . Kooxdu fikrad ahaan Suufiya xiriir lama leh iyo dhaqdhaqaaqyada fikirka ee kale sida Salafiyada iyo Ikhwaanka. Balse asal ahaan waxay Taliban cabsanyihiin fikradda jihaadka iyo fulinta xarfiga ah shareecada Islaamka.

Markii ay soo ifbexeen 1096 waxay Meesha ka saareen oo dagaal adag la galeen kooxihii loo yiqiin Mujaahidiinta ee la dagaalamay Midawgii Soofiyeeti , kuwaas markii ay dalka ka saareen dowladdii Shuuciga ahayd xukunka dalka isku qabsaday , isuna bedelay qabqablayaal arxan daran oo mid walbaa gobol goostay iyaga oo shacabka kula kacaya baad, dil iyo kufsi ay burcad hubaysan weheliso.

Tani waxay kicisay ardadii iyo culumadii Diyuubandi ee barashada diinta lagu ogaa , kuwaas oo u arkay cilmiga ay baranayaan mid aan faa’iido ku jirin haddii ba dadkii iyo dalkii balan balay. Dabcan soo ifabaxa Taliban sidaas fudud laguma micnayn karo oo waxaa jira dareen xoogan oo ah in Pakistan oo galangal ku leh Bashtuunka ay culumada iyo ardayda hurdada ka kicisay , hubaysay , abaabushay , uguna talagashay inay Afghanistan ku qabsato si aan Hindiya iyo cadawgeeda xoog ugu yeelan.

Xukunkii Taliban

Taliban markii ay soo bexeenba dalka badi waa qabsadeen , balse waxaa dagaal qaraar kala horyimi Taajiiga oo uu hogaaminayay Axmed Shaah Mascuud iyo Osbiiga oo uu hogaaminayay jeneraalka Shuuciga ah ee Dostom. Lanbada jeneraal waxay taageero ka helayeen Hindiya , Iran iyo Ruushka . Inkasta oo Taliban labada jeneraal cagta marisay , midna waa SHAAH MASCUUD e khaarajisay haddana dhanka bariga wali waxaa ka jiray iska cabin xoogan. Taliban dalka waxay kusoo rogeen shareecada oo ay si adag u fuliyeen , sida:

– Haweenka oo ay shaqadii u diideen
– Haweenka ay tacliinta la isku dhex jiro u diideen
– Dhammaan cidiid ka fikrad duwan oo ay xabsi iyo dil isugu dareen.

Taliban xilligaas waxay u muuqdeen ninman culumo ah , khibrad dowladnimo aan lahayn, kuna dhex haftay maamulka dal wayn oo dadkiisu kala qawmiyada yihiin, faqri ah , haddana faragelin shisheeye oo xoog leh ka jirto. Waxaa intaas u dheerayd iyagii oo aan la aqoonsan oo la go’doomiyay tiiyoo keentay inay noqdaan jabhad go’doonsan oo aan isu bedeli Karin dowlad hana qaadi karta. Waxaa xilligaas aqoonsaday saddex dal oo kaliya : Sucuudiga , Imaaraadka iyo Pakistan. Labada dal ee carbeed waxay kala noqdeen aqoonsigii markii US iyo xulufado go’aansadeen in la rido kooxda , ayna tahay mid gabbaad siinaysa Alqaacida . Pakistaan waxaa la aaminsanyahay in aanay marna goyn Taliban oo sirdoonku qayb wayn ku lahaayeen dib isu abaabulka iyo dib usoo kabashada Taliban.

Hab maamulkii hore ee Taliban

Sidaan soo sheegnay Taliban waxay dooratay Mullah Cumar oo ay u bixiyeen Amiirka Musliimta , mana jirin wax dastuur ah oo awoodihiisa qeexaya ama waqti u xiraya xukunkiisa, taas oo ka dhigan in Amiirku inta uu noolyahay xukumayo Imaarada haddii aanu markaas la iman wax lid ku ah shareecada.

Waxay dhiseen Gole wadatashi oo ka koobnaa 70 qof oo culuma u badan iyo madax gobolada ah. Gobol walba waxay u sameeyeen guddi wadatashi oo xaakimka gobolka la taliya. Taliban waxay dimuquraadiyadda ku bedeleen “shuura” ama wadatashi , balse hay’ado taabbo gal ah oo u dhigma kuwa dowladaha Dimuquraadiga may dhisin kuwaas oo si dhaba u hirgelin kara nidaamka Shuurada oo la jaanqaadaya duruufaha maamul ee maanta .

Halkganka Taliban ee duulaankii reer Galbeedka ka dib

Taliban markii ay diiday soo dhiibista Bin Laden , waxaa lagu ekeeyaay duulaan ballaaran oo xulufa US hogaaminayso xukunkii kaga tureen. Taliban duulaanka iskama difaaci Karin, waxayna markiiba u bedelatay dhanka dagaalka dhuumalaysiga ama jabahadaynta. Waxaa la dilay kumanaan ragooda ah , waxaa la qabtay kumanaan kale , waxaa lagu baacsaday meel walba , walaw badi ay gabaad ka dhigteen dhulka buuralayda iyo dhulka qabaa’ilka Bashtuunka ka degaan Pakistan iyo Afghanistaan.

Dagaalka Taliban wuxuu ku noqday US iyo xulafadiisa dhiig bax aan dhamaad lahayn iyo ceeb kale oo ah iyagii oo marar badan diyaarado ku xasuuqaya haween iyo carruur. Dowlad ayaa la dhoodhoobay dalku yeesho, waxaana la diyaariyay kumanaan ciidana oo hub iyo qalab military oo taankiyo ku jiraan lagu hubeeyay. Ciidanku ma noqon mid awood u leh iska caabinta Taliban , dowladduna waxay noqotay mid musuqmaasuq qurmiyay oo madaxda dalku ay qasriyo iyo hanti badan ka sameeyaan ay ka dhisteen dalka bannaankiisa.

Badi dadka dalka u taliyaa waxay noqdeen qurba jog baasaboorku jeebka ugu jiro oo u diyaarsan inuu baxsado markuu khatar dareemo. Kala qaybsanaan iyo kala shaki ayaa dowladda hareeyay oo qawmiyadaha kala duwan ee dalku waxay tartan ugu jiraan boobka iyo musuqmaasuqa . Tani waa tan keentay in US garwaaqsato inay ku jirto dagaal aan guul laga keeni karin , sida kaliya ee looga lug bixi karaana tahay Taliban oo wadahadal hoose lala furo.

QABSASHADA TALIBAN

Taliban oo heshiis uu sanad ka hor la galay Maraykanku waxay haatan gabi ahaan ba gacanta ku dhigtay dalkii Afghanistan , waxaana ciidankii lagu tiir iyo tacab beelay noqdeen kuwa is dhiiba markii xabaddii u horaysay dhacday , kuwa carara iyo kuwa si hoose ula shaqeeya Taliban. Madaxdii dalku badi waa carareen , waxaana MW dalku la sheegay inuu xoolo badan horay usoo xaday intii aanu baxsan.

Taliban hadalo macaan ayay diraysaa oo ah inaan aargoosi jirin, inaan cadaadis haweenka la saaryaa jirin iyo in hawlwadeenada safaarada iyo safiirada ammaan haystaan oo aan la taaban Karin , xitaa hay’adaha samafalka ee reer galbeedka waxay ka dalbadeen inay shaqada wataan. Fawdo ma dhicin oo meel kasta oo ay Taliban qabsato markaba amniga gacantay ku dhigayaan.

Yeelkadeede waxaa jira walwal laga qabo qaabka ay ula dhaqmayso :

– Aduunyada kale iyo sida kooxdu xiriirka caalamiga ah ka yeelaysi
– Xuquuqda haweenka gaara ahaan shaqada iyo tacliinta
– Qawmiyadaha aan Bashtuunka ahayn sida ay kooxdu uga qaybgelin maamulka dalka
– Waxay ka yeelayso Alqaacida iyo kooxaha xag jirka ee doonaya inay gabbaad ka dhigtaan dalka

Maxaa iska bedelay Taliban
Ilaa hadda qaabka ay u dhaqmayaan Taliban waxaa muuqda isbedel ku dhacay kooxda iyo inay sidii xilligii hore ka bisilyihiin , balse waxaa xaqiiqa ah inaan isbedel wayn jiri Karin maadaama kooxdu markii xukunka laga tuuray ilaa manta dagaal ku jireen, rag badan oo ragii hore ah dhinteen , raga hadda socdaana u badanyihiin dagaal yahano aan nidaam dowladnimo wax badan ka aqoon. Haddaba haddii aan madaxda kooxdu dowladaha qaar sida Pakistan ka dalban inay hab maamulka dalka ka taageeraan waxaa dhici karta in kooxdu mar kale ku hafato xukunka dalka oo noqoto jabhad ku wareerta arrimaha kala ah:

– Bixinta adeegyada asaasiga ah
– Xiriirka caalamiga
– Dhisidda hay’adaha dowladda
– Hirgelinta sarraynta sharciga

Maxay Guusha Taliban uga dhigantahay Al shabaab

Taliban fikrad ahaan , manhaj ahaan iyo duruuf ahaan aad bay uga duwantahay Al-shabaab , balse waxaa mideeya arrimo dhawra :
– Labaduba waa kooxo jihaadiya oo aaminsan in siday tahay shareecada loo fuliyo
– Labaduba waxay la dagaalamayeen dowlado xoog ay lagu keenay oo ay dalka ku hayan ciidamo shisheeye
– Labaduna waxay ka la dagalamayaan dowlado faashil ah oo lagu baqti afuufo kaalmo dibadeed , haddana uu la degay musuqmaasuq , eex iyo tayo xumo dhan kasta ah
– Labadu waxay la dagaalamayaan ciidamo lagu dhisay qaab qabiil ama qaab qawmiyadeed oo aan lahayn caqiido ay dalka ku difaacaan .

Taliban waxay uga duwantahay Al-shabaab:
– Taliban qabiilka u wayan dalkooda ayaa taageero iyo hiil u ahaa
– Culumo iyo marjicad taageersan ayay haystaan
– Dowlado waawayn ayay gacan saar la leeyihiin sida Pakistan
– Cabsida Soomaalidu ka qabto Al-shabaab kama qabaan dadka reer Afghanistan Taliban oo taageero wayn ayay dadkooda ku leeyihiin.

– Al shabaab heshiis iyo wadahadalka ay gashay Taliban kuwa ilaa hadda ogol uma muuqdaan , halka Taliban ay maaraysay inay wadahadalo sanado socday oo maraaxil soo maray la gasho Maraykanka .
– Taliban waa koox aaminsan madhabka fiqhihiga iyo kan caqiido ee badi dadka reer Afghaan haystaan , halka Al-shabaab aanay lahayn meel loo raaco dhanka fikradda iyo caqiidada oo yihiin koox fulisa isku dhaf fiqhi ah iyo caqiido salafi ah oo Najdi ah oo badi Soomaalida shaki ka qabaan ama diidanyihiin.

– Guusha Taliban waxaa fududeeyay wada shaqayn dhexmartay kooxda iyo quwado waawayn sida China oo mar horeba soo dhawaysay isbedelka , waana mid aan Al-shabaab haysan ilaa hadda.

Yeelkadeede , guusha Taliban waxay u tahay Al-shabaab niyad dhis wayn iyagoo uga faa’idaysanaya :
– Inay ku duruaan wadaadada aan dariiqooda jihaadka aan raacin
– Inay ku xoojiyaan fikradooda ah inaan xabbad mooyaane xal kale jirin
– In dagaalkooda ay aakhirka ku guulaysan doodaan sida Taliban sidaasna dhalinyaro badan ku qoraan.

– Inay ku niyad jabiyaan beesha caalamka ayna dhici karto in iyagana lala furo wadahadal la mida ki ilala furay Taliban

– Inay qaba’ilka qaar diidan nidaamka dowladeed ee dalka ama wax tirsanaya ku qanciyaan inay iyaga ku soo biiraaan ayna qayb ka noqdaan dowladda Islaamka ee dhaln doonta .

Idilnews