Waa ayo Taalibaan ? (WARBIXIN)

Taalibaan waxay horey u xukumeen Afghanistan 1996-kii ilaa 2001, ayaga oo dalka kusoo rogay nooc ka mid ah shareecada Islaamka oo aad u adag. Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa fikradaha kooxda iyo taariikhdeeda.

Sidee loo aas-aasay Taalibaan?

Taalibaan waxa ay aheyd mid ka mid ah kooxihii ka dagaalamayey dagaalkii sokeeye ee Afghanistan ee sagaashamaadkii, kadib markii ay dalkaas ka baxeen ciidamadii Midowga Soviet. Kooxdan ayaa 1994-kii kasoo baxday magaalada Koonfureed ee Kandahar. Aas-aasaheeda wuxuu ahaa Mullah Mohammad Omar, oo imaam ka ahaa magaalada, kaasi oo hoggaaminayey kooxda illaa dhimashadiisa 2013-kii.

Xiriirka Mareykanka

Taalibaan waxay markii hore xubnaheeda ka heshay dagaal-yahanadii wax iska caabinta Afghanistan ee Mujaahidiin, kuwaas oo Mareykanka oo uu ka taageeri jiray dagaalkii ka dhanka ahaa ciidamada Soviet-ka ee sideetamaadkii.

Sidee Taalibaan ku qabsatay xukunka?

Kadib markii Midowga Soviet uu ka baxay Afghanistan 1989-kii, ayna ku xigsatay burburka dowladdii Afghanistan, wuxuu dalku galay dagaal sokeeye. Taalibaan waxay taageero ku heshay inay ballan qaaday inay soo celineyso amarka iyo kala dambeynta. 1994-kii waxay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Kandahar, ayaga oo aan la kulmin wax iska cabin ah oo muuqda, waxaana markii la gaaray 1996-kii, ay qabsadeen caasimadda Kabul.

Maxay Taalibaan aaminsan yihiin?

Taalibaan waxay Afghanistan ku xukumeen si waafaqsan shareecada Islaamka oo fasiraad adag laga bixiyey. Dadka oo fagaare lagu khaarijiyo, laguna karbaasho ayaa caadi ahaa, waxaana haweenka badankood laga mamnuucay inay shaqeeyaan ama ay wax bartaan, ayada oo sidoo kalena lagu qasbay inay xirtaan burqa jirkooda oo dhan daboolaya. Taalibaan waxay sidoo kale mamnuucday buugaagta reer galbeedka.

Muxuu yahay xiriirkooda Al-Qacida?

Taaliban waxay gabbaad siiyeen Al-Qacida, oo xilligaas uu hoggaaminayey Osama bin Laden. Al-Qacida waxay xirooyin tababar ka sameysatay Afghanistan kuwaas oo ay u adeegsatay inay ku diyaariso weeraro ka dhacay caalamka, oo uu ka jiraan weeraradii lagu qaaday Mareykanka 11-kii September 2001.

Sidee xukunka ku lumiyeen?

Wax kayar bil kadib weeraradii September 11, Mareykanka iyo xulufadiisa ayaa qabsaday Afghanistan. Markii la gaaray horraantii December, dowladdii Taalibaan ayaa burburtay, waxaana Mareykanka uu billaabay inuu Afgaaniyiinta kala shaqeeyo dhismaha dowlad dimoqraadi ah.

Maxaa xigay?

Kadib guul-darradooda, hoggaamiyayaasha Taalibaan waxay u carareen meelaha ay ku xooggan yihiin ee koonfurta iyo bariga Afghanistan, ama deegaanada ku teedan xuduudda Pakistan. Kooxda ayaa kadib hoggaamisay dagaal muqaawamonimo ah oo ka dhan ah dowladda cusub ee Afghanistan ee Mareykanku taageerayey, ayaga oo adeegsanaya miinooyinka dhulka lagu aaso iyo qaraxyo is-miidaamin ah.

Sanadkii tegay, dowladda Mareykanka ayaa Taalibaan kala xaajootay heshiis kadib labaatan sano oo ay ku lug laheyd Afghanistan. Heshiiska ayaa waxa uu dejiyey jadwal ay ciidamada Mareykanka kaga baxaan dalka, taas beddelkeedana Taalibaan ay joojiyaan weerarada ka dhanka ah Mareykanka, ayna wada-hadal la galaan dowladda Afghanistan. Si kastaba, kadib bilo ay wada-hadallo u socdeen Taalibaan iyo dowladda Afghanistan, waxay ku guul-darreysteen in lagu gaaro heshiis nabadeed.

Dalalkee aqoonsaday Taalibaan?

Kaliya dalal faro ku tiris ah ayaa aqoonsaday dowladda Taalibaan markii ay xukunka haysay 1996-kii illaa 2001, waxaana ka mid ahaa Pakistan, Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya. Ma cadda, haddii dalalka badankood ay aqoonsan doonaan dowladda cusub ee Taalibaan; si kastaba, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa bishii tagtay sheegay Afghanistan ay noqon doonto qaran cidlo go’an ah, haddii Taalibaan ay awoodda kula wareegaan xukunka, oo ay gaystaan xasuuq.

Qaar ka mid ah xogaha ku jira warbixintan waxaan kasoo qaadanay Reuters iyo AFP.

VOA