Amnest international oo eedeyn la xariirta fiditaanka COVID-19 u jeedisay DFS

Hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnest international ayaa Cilmi baaris cusub oo ay soo saaartay waxay ku sheegtay, Faafida Covid-19 ee Soomaaliya in ay iftiimisay baahida loo qabo in si deg-deg ah wax looga qabto arrimaha halista ah ee soo jireenka ah ee horyaala nidaamka daryeelka caafimaadka Soomaaliya.

Cilmi-baaristu waxay ogaatay in helitaanka tasiilaadka caafimaad ee bukaannada Covid-19 ay aad u xaddidan tahay iyadoo hal isbitaal oo ku yaal Muqdisho laga maamulo dhammaan kiisaska la xiriira Covid-19 ee ku baahsan dhammaan gobollada koonfurta iyo bartamaha intii lagu jiray mawjaddii ugu horreysay cudurka.

“Jawaabta dowladda Soomaaliya ee masiibada waxay ahayd mid aan ku filneyn marka loo eego yaraanta oksijiinta iyo helitaan la’aanta adeegyada ambalaaska, kuwaas oo dhammaantood ka dhashay dayacaad sannado ah ”Ayuu yiri Deprose Muchena, Agaasimaha Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Hay’adda Amnest waxay sheegtay, Soomaaliya oo hadda u qalanta deyn -cafinta, in mas’uuliyiintooda ay hubiyaan in dakhliga iyo deeqaha si weyn loogu maal-geliyo hagaajinta bixinta daryeelka caafimaadka, miyiga iyo magaalooyinka labadaba.

Falanqayn ay Amnesty International ku samaysay miisaaniyadda dawladda intii u dhaxaysay 2017 iyo 2021, ayaa muujisay in celceliska miisaaniyadda loo qoondeeyay mashaariicda caafimaadka ay ahayd 2% oo keliya. Isla muddadaas, celceliska miisaaniyadda loo qoondeeyay laamaha amniga, oo ay ku jiraan wasaaradaha gaashaandhigga iyo amniga gudaha, waxay ahayd boqolkiiba 31% miisaaniyadda guud ee dawladda.

Amnesty International waxay ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya inay kordhiso miisaaniyadda caafimaadka oo ah 2%, kana dhigto 15% miisaaniyadda sannadlaha ah si waafaqsan Baaqa Abuja.

Hiiraan.com