Gaalkacyo: Puntland oo dib u bilaabaysa Maxkamadeynta kooxda Al-Shabaab

Dowladda Puntland ayaa shaacisay inay dhowaan dib u bilaabayso magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug Maxkamadeynta xubno katirsan kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo ku jira gacanta laamaha Amniga Puntland.

Taliye kuxigeenka Qaybta Booliska Gobolka Mudug G/dhexe Cabdi Siciid Xuseen (Koomaad), oo saxaafadda kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inay dhowaan bilaabanayso dhageysiga kiisaska maleeshiyo kamid ah Al-Shabaab, kaddib hakad ku yimid dacwad qaadista Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Puntland, isagoona intaas ku daray inay kasoo muuqan xubno muddo ku jiray gacanta Ciidanka Gobalka Mudug.

Puntland ayaa horey xukun dil ah ugu fulisay 18 kamid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo lagu helay inay qeyb ka ahaayeen falal isugu jiray dilal iyo Qaraxyo, kuwaas oo muddo 13 sanno ah ka dhacayay magaaladda Gaalkacyo, laguna khaarajiyay haldoorkii Gobalka Mudug.

Idilnews