Goormee la shaacin doonaa Natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee Puntland ?

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, ayaa sheegtay in la soo geba-gabeeyay sixitaanka Imtixaanka Shahaadiga ah ee 8-aadka.

War ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada Puntland, ayaa lagu sheegay in la dhammaystiray sixitaanka Imtixaanka, islamarkaana todobaadka soo socda la shaacin doono natiijadiisa.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ka hadashay sababaha keenay, in uu markii hore dib u dhac ku yimaado sixidda Imtixaanka, xilli uu bilowday sannad-dugsiyeedka cusub iskuulada Waxbarashada.

“Saxidda Imtixaanka Dugsiyada Dhexe ee Puntland ayaa dib u dhac ku yimid markii ugu horraysay, iyada oo ay sababtay duruufo kale duwan oo ka mid yahay xannuunka COVID-19.” Ayay tiri wasaaraddu.

Dib u dhaca Imtixaanka ayaa horseeday in aan weli la xaadirin fasalka kowaad ee dugsiyada sare (Form One), taas oo ay walaac ka muujiyeen waalidiinta Ardayda.

Idilnews

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.