Midowga Africa oo qiimeyna in Ciidanka Soomaaliya la wareegi karaan Amniga Dalka

Wafdi ka socda Golaha Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya, waxaana soo dhaweeyay Wasiiru dowladaha Wasaaradda Amniga Soomaaliya iyo Xubno kale.

Xubnaha wafdiga ayaa waxaa ay Magaalada Muqdisho ka bilaabeen kulamo ay la qaadanayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyaga oo kala hadlaya xaaladda Amni ee Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Maxamed Saciid Samatar Gacaliye, ayaa sheegay in ujeedka wafdiga uu yahay sidii ay u qiimeyn lahaayeen in Hay’addaha amniga Somaliya ay diyaar u yihiin in AMISOM kala wareegaan amniga guud ee dalka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Maanta oo Arbaco ah uu shir uga furmi doono Magaalada Magaalada Muqdisho, Mas’uuliyiinta Hay’adaha Amniga dowladda Soomaaliya & kuwa AMISOM, si looga tashado xaaladda amni ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku cel celisay inay diyaar u tahay in Ciidamada dowladda ay AMISOM kala wareegaan amniga dalka, hayeeshee ay weli muuqato awooda Al-Shabaab oo meelo kamid ah dalka ka dagaalamaya.

Idilnews