Howlgallo dad lagu qabtay oo Gaalkacyo ka socda

Ciidanka Booliska Gobalka Mudug ayaa howlgallo ka wada magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, iyagoo ku adeegsanaya Dhalinyarada iyo kooxaha falalka ammaan darro ka geysta magaaladda.

Howlgaladan oo ah kuwo si joogta ah u socday todobaadyadii ugu dambeeyay ayaa lagu qabqabtay dhalinyaro qeyb ka ahaa falalka Amniga lidiga ku ah, sida furashada moobilada.

6 kamid ah dhalinyarada Ciidammadu qabteen ayaa shalay lasoo taagay Maxkamadda darajada kowaad ee degmadda Gaalkacyo, waxaana lagu riday xukun isugu jira xabsi iyo ganaax.

Taliye kuxigeenka Qeybta Booliska Gobalka Mudug G/dhexe Cabdi Siciid Xuseen (Koomaad), ayaa ugu digay dhalinyarada inay qeyb ka ahaadaan dhibaateynta bulshada, isagoona sidoo kale ugu baaqay waalidiinta inay la socdaan dhaq-dhaqaaqa carruurtooda.

Idilnews