Kumuu ahaa Xirsi Cali Magan ?

Kuma Weeye Kuma? (Who Is Who?)

Kumuu Xirsi Cali “Magan” Ciise [1935-2008] ahaa?

Gabyaa, qoraa, afyaqaan (linguist), xeeldheere (expert) afka iyo farta Soomaaliga, caalin xagga diinta Islaamka (Islamic scholar), aqoonyahan cilmiga aadanaha (anthropologist), halgamaa (champion of a cause), dagaalyahan (warrior), aftahan (orator).

Xirsi, Eebbe haw naxariistee, nin mabda’ leh, run-sheege ah oo qaneecaad badan buu ahaa. Qof wuxuu ahaa leh dhaqan diimeed iyo mid fekredeed – maaddi iyo diiniba – oo xaqiiqda ku saleeysan. Nin waddani ah oo dadkiisa iyo dalkiisa jecel buu ahaa. Qof wuxuu ahaa neceb keligitaliyennimada iyo amarkutaagleeynta. Ruux runta sheega oo aan been lagu aqoonnin buu ahaa oo aanu marnaba jecleyn in been, xan iyo fusuq loo sheego. Wuxuu ahaa qof aan ballanfurka aqoonnin.

Haddii wacad iyo ballan adag lala galo, wuxuu ahaa qof aan waligii ka bixinnin. Wuxuu ahaa qof boolida, boobka iyo bililiqada neceb. Nin daacad ah oo karti iyo hufnaan leh ayuu ahaa. Wuxuu ahaa qof afkiisa iyo addinkiisuba wada socdaan oo fekerkiisa iyo falkiisuba is- wada waafaqsan yihiin. Wuxuu dadka kale ula macaammili jirey siduu isagu dooni lahaa in loola macaammilo. Wuxuu ahaa nin weyddiimmaha ad-adag ee ku aaddan nolosha aadanaha kolka dadku weyddiiyo si wacan oo xaqiiqda ku saleeysan uga jawaaba. Ma ahayn ruux isla weyn oo hadduu cid u gefo, wuxuu ahaa qof gefkiisaas qirta oo markiiba raalliggelin ka bixiya.

Xirsi Magan wuxuu ku dhashay Gobolka Mudug, Soomaaliya. Gurboodka kolkuu noqday wuxuu u soo wareegey Muqdisho, Gobolka Banaadir. Wuxuu ku biirey oo ka mid noqday dhallintii Goosanka la odhan jirey ee xisbigii SYL. Wuxuu waxbarasho u tegey dalalka Talyaaniga iyo Maraykanka. Nin Farta Cismaaniyada u halgama oo jeclaa fidinteeda iyo horumarinteeda ayuu ahaa.

Wuxuu ka mid ahaa Guddigii Far Soomaaliga ee Laatiinka ah ee lagu dhawaaqay 1972kii.
Doorashadii u dambeeysey ee dawladihii shibilka ahaa ee ka dhacda Jamhuuriyadda Soomaaliya, bishii Maarso, 1969kii, Xirsi wuxuu ka mid ahaa murrashixiintii u istaagtay xubin-ka-mid noqoshada golaha baarlamaanka ee Soomaaliya, inkastoo uu waayay. Dilkii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo afgembigii ciidammadu xoog dalka ku qabsadeen iyo laaliddii xeerkii iyo dastuurkii dalka, Oktoobar, 1969kii ayaa Xirsi Magan walaac iyo welwel ku reebtey. Waxaa u muuqatay halkuu dalka ku dambeeyn doono. Maalintaa iyo wixii ka dambeeyey wuxuu go’aansaday in nidaamkaa keligitaliyennimada ah inta karaankiisa ah uu la dagaalamo. 1972kii ayaa la xidhey. 1976kii wuxuu ka baxsaday xabsigii uu ku xidhnaa. Wuxuu ku biirey xooggagii mucaaradka ahaa ee la dirirayay xukunkii iyo nidaamkii faashilka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre.

Waxaan jeclaan lahaa in aan halkan ku xuso oo aan idinla wadaago saddex dhacdooyin oo xiisa leh oo u gaar ah xusuusta Xirsi Magan:

1. Lixdameeyadii horraanteedii xilli uu waxbarasho u joogay dalka Maraykanka, Jaamacadda Columbia University, waxaa halkaa wax la dhiganayay arday kaloo fara badan oo ka kala yimid dalal Afrikaan ah oo kolkaa gobannimo qaatay. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa barihii fasalka ardaydiisii Afrika ka timid ka codsaday in fartoodii hooyo, subax wanaagsan! sabbuuradda ku qoraan. Ardaydii waa awoodi kari waayeen oo ma ayan lahayn far lagu qoro afkoodii hooyo. Dabadeed, ardaygii Soomaaliga ahaa, Xirsi Magan Ciise, ayaa kacay oo fartiisii hooyo ee Cismaaniyada sabbuuraddii ku qoray wuxuu macallinku ka codsaday.

2. Maalmaha Xirsi la xidhi doono xilli ku dhow ayaa kob Axmed Saleebaan Dafle (Madixii NSS-ta, xubinna ka ahaa Golihii Sare ee Kacaanka) laysku arkay oo laabta ku soo xidhey embaleemada (flag lapel pin) calanka Soomaalida. Dabadeed Xirsi baa Axmed u sheegey sheeko dalka Shiinaha waa hore ka dhacday. Wuxuu yidhi: “Waa waayada ka mid ah nin Shiine ah ayaa wax qardhaas (talisman) u eg laabta u sudhnaan jirtey. Waa dambe baa ninkii la weyddiiyey waxa sudhkiisa ka laallaada. Wuxuu ku jawaabay: ‘Haweeney ii dhaxday oo aan aad u jeclaa, ayaan beri diley oo kaw ka siiyey. Dabadeed waan gubay. Gubniinkeedii baa dabaggibin (coccyx) ka soo hadhay. Dabaggibintii weeye imminka waxa sudhka ii sudhan.’ Haddaba, Ina Daflow, ma waxaad haatan iga dhaadhicinaysaa dal dhan oo sharciyadiisii iyo dastuurkiisii laashay oo ku tumatay in aad ii soo xidhato embaleemadiisa oo iga dhaadhiciso in aad jeceshey?”

3. Wefdi ballaaran oo uu Xirsi Magan ka mid ahaa oo ka socday hoggaanka guddoonka odayaasha Jabhadda Badbaadinta Soomaaliya (JBS), ayaa Abriil, 1980kii, kormeer hawleed rugta ciidammada jabhadda ee Qaybta 6aad ee tuulada Jinacsaney (ka tirsan Degmada Jigjiga), Kililka Shanaad, Itoobiya, ku soo gaadhay. Khudbad uu halkaa ka jeediyey ayaa rag fara badani xusuus gaar ah ku reebtey. Kolkii odayaashii kale halkaa ka khudbeeyeen ayaa Xirsi hadalkii qaatay, isagoo ahaa ninkii ugu dambeeyey ee bartaa ka hadla oo misana ciidankii ka codsaday in daqiiqad qudha la siiyo oo loo dulqaato. Wuxuu goobtii ka yidhi:
“Cirka yaa leh?”
Waxay dhegeystayaashii kulanka ku jawaabeen:
“Eebbe ayaa leh.”
“Dhulka yaa leh?”
“Eebbe ayaa leh.”
“Innagana yaa ina leh?”
“Eebbe ayaa ina leh.”
“Haddaba Eebbe aynnu ka baqno,” ayuu hadalkii ku soo gebaggebeeyey.

Qore: Maxamed Cali Xasan “Alto”
Helsinki, 16.05.2021

Idilnews

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.