Puntland iyo UNHCR oo ka wada-hadlay 4 Arrimood, maxay kala yihiin ?

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo weheliyo Agaasimaha Guud ayaa maantay xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda hay’adda UNHCR oo uu hogaaminayo Madaxa ugu sareeya Soomaaliya Mr Magatte Guisse.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hay’adda UNHCR ayaa ka wada hadlay qodobo ay mid yihiin

1. Xal u helidda qul qulka Muhaajiriinta ka imaanaya Dalka Ethiopia

2. Sidii loo la tacaali lahaa xaaladda Qaxootiga ka imaada Dalka Yemen

3. Sidii loo soo afjari lahaa barakacnimada dadka Soomaaliyeed ee mudda dheer ku noolaa xeryaha barakacayaasha gudaha Puntland

4. Dardargelin barnaamijka xalka waara ee dadka u baahan in xirfad ahaan iyo dhaqaale ahaanba la taageero

Shirka ayaa ku soo dhammaaday si guul iyadoona liasku afgartay sidii Dardar gelin lahaa shaqooyinka Hortabinta leh ee ka dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo Hay’adda UNCHR.

Idilnews