Puntland oo baaq u dirtay Daneeyayaaasha Isbedelka cimilada (VIDEO)

Waxaa maanta magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland lagu qabtay xuska maalinta caalamiga ah ee bini-aadantinimada aduunka iyadoo sanadkaan maalintan caalamiga ah aduunka loo asteeyey la dagaalanka isbedelka cimilada iyo dhibaatooyinka ka dhasha.

Xaflad lagu maamuusayey xuska maalintan iyo socod lagu xusayo maalinta oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen wasaaraddq Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimiladq Dawlada Puntland, hay’adda dawlada Puntland u qaabilsan maaraynta waxyeeladq musiibooyinka “HADMA” iyo bahwadaagtooda waxaa lasobandhigey Waxyalaha sababa isbadelka cimilada Oo ay ugu horeyso dhirjarista,saameynta isbadelka cimilada ku leedahay deeganka nolosha dadka,dhaqalaha iyo kabaha dhaqalaha iyo guud ahaanba nolosha bulshada iyo sida ugu wanaagsan ee loola tacaali karo isbedelka cimilada dhibaaooyinka ka dhasha.

Kusimaha wasiirka wasaaraddq Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada dawlada Puntland Mudane, Cabdirashiid Cali Geelle oo ka hadlay furitaankii xuska maalintan ayaa ugu baaqay in dhamaan daneeyayaasha arimaha Deegaanka iyo Isbedelka cimiladu ay xooga saaraan sidii la isaga kaashan lahaa la qabsiga iyo maaraynta isbedelka cimilada, waxaana wasiirku uu sheegey in wasaaraddu ay sii laba jibaarayso dadaalkeeda kusaabsan howsha joojinta arimaha keena nabaadguurka, dhibaatooyinka Deegaanka iyo sidii loo raadin lahaa xalalka ugu haboon ee isbedelkq cimilada aduunka loola qabsan karo iyadoo sare loo qaadayo awooda bulshada.

Idilnews