Sacuudi Carabiya oo casuumtay Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka kajira ayaa waxaa la sheegay inay dhawaan safar ku tegi doonaan dalka sacuudiga Carabiya.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Dowladda Sacuudiga ay casuumaad u fidisay Xubnaha Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka, waxaana qaabili doona Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

In kastoo an sirasmi ah loo helin waxyaabaha dowladda Sacduuiga ay kala hadli doono Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa hadana waxaa ay u badan tahay inay kala hadli doono xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Arrimaha doorashooyinka.

Dowladda Sacuudiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowlaha saameynta siyaasadeed iyo midka dhaqaale ku leh Soomaliya, hayeeshee waxaa xumaa afartii sano ee la soo dhaafay xiriirkii ay la laheyd dowladda Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sanadkii 2016-kii illi lagu guda jiray howlaha doorashooyinka waxaa ay casuuntay Madaxda dowlad Goboleedyada, iyadoo kala hadsashay isbeddel laga sameeyo Soomaaliya doorashadii 2017.

Idilnews