Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada dalka Afghanistan

Ururka Taalibaan ayaa sii wada xoojinta awooddooda dalka Afghanistaan oo ay la wareegeen Axaddii, iyadoo meelaha qaar laga soo sheegaya rabrashado iyo dibad-baxyo, gaar ahaan dhinaca galbeed ee dalkaas.

Taalibaan ayaa la filayaa inay soo dhisaan dowlad cusub, balse weli ma cadda nooca ay noqon doonta dowladdaas, inkasta oo ay ballan-qaadeen dowlad loo dhan yahay.

Dhinaca kale, ciidamada Mareykanka oo ku sugan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul ayaa sii wada daad-gureynta shacabka iyo shaqaalaha Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeyn jiray.

Idilnews