Wasiirka Ciyaaraha Puntland “Buuhoodle ayaan ka imid, xulka cabanayeyna waxay ahaayeen Buuhoodle” (VIDEO)

Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Jaamac Faarax Muuse, ayaa ka hadlay fadeexadaha hareeyay Tartanka 8-aad ee ciyaaraha Gobalada Puntland, kaas oo ka soconaya garoonka mire Awaare ee magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland.

Wasiir Jaamac oo wareysi siinayay SBC TV, ayaa si gaar ah uga hadlay eedeymo loo jeediyay oo la xariiray inuu qabyaaladeeyay Tartanka, kaddib markii uu cabasho muujiyay xulka Gobalka Cayn, oo ah Gobalka uu Wasiirku kasoo jeedo.

“Anigu waxaa ka imid Buuhoodle,Xulkii cabanayayna waxay ka yimaadeen Cayn,sidaas darteed waxaa horay loo yiri walaalka u hiili,haddii uu gardaran yahay iyo haddii laga gardaran yahay” ayuu yiri Wasiirka Ciyaaraha Puntland.

Idilnews