Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta tagaya magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Dr. Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ku wajahan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaas oo lagu wado in uu berri ka furmo Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka.

Sidoo kale, Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa maanta iyaguna tagi doona magaalada Muqdisho.

Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa waxaa looga hadli doonaa qodobo ay kamid yihiin Habraaca doorashada Golaha Shacabka BJFS iyo raadinta dhaqaalaha dhiman ee doorashada, oo laga sugayay Beesha Caalamka.

Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa iyagu shalay gaaray Muqdisho, sidoo kale waxaa caasimadda kusoo laabtay Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqasho ugu maqnaa dalka Masar.

Idilnews