Puntland oo beenisay warar been abuur ah oo laga faafiyay Boosaaso

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar maalmahaan si been abuur ah dadka looga dhaadhiciyay, kaas oo ah in dadka ka soo xagaa noqonaayo magaalooyinka oo imaanaya magalada Bosaaso in kantaroolka lacag looga qadaayo si ay iskaga baraan xanuunka karoonaha.

Taliye Xuseen ayaa sheegay in arintaasi aysan waxba ka jirin Umadana lagu jaahwareerinayo qofkii lagu qabtana talaabo cad ay ka qaadi doonan ciidamada Boolisku.