Wasiirkii hore ee Amniga Puntland oo lagu xiray magaaladda Hargeysa

Ciidanka Somaliland ayaa ku xiray magaaladda Hargeysa Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Amniga iyo Xanaanada Xoolaha Puntland ahna Xildhibaan hore Cabdi Jamaal Cismaan.

Xariga Cabdi Jamaal ayaa yimid xilli uu kasoo laabtay Dalka Itoobiya, waxaana Ciidanka Somaliland ay ka qabteen guri uu ka degay magaalada Hargeysa.

Cabdiraxmaan Dhoore, oo horey uga mid ahaa Baarlamaanka Puntland ayaa ku eedeeyay xariga Cabdi Jamaal ay u geysteen Ciidammada Somaliland, Sirdoonka Puntland.

“Af duubka lagula kacay Xildhibaan Cabdi Jamaal Waa sharci daro iyo xadgudub loo gaystay muwaadin Soomaaliyeed oo safar ku jira waxaana ka danbeeya sirdoonka Puntland oo kaashayanaya ka Somaliland
XildhIbaan Cabdi Jamaal waa in sida ugu dhakhsiyaha badan xoriyadiisa loogu soo celiyaa hadii kale wixii cawaaqib xuma ah ee ka yimaada waxa qaadi doonta cida sida sharci darada ku haysata.”

Idilnews