Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Galmudug oo booqday Dekedda Garacad

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa booqday Dekedda Garacad ee Gobalka Mudug, taas oo haatan wajigeedii kowaad uu marayo gabagabo.

Xildhibaanada ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta Shirkadda Wadaagsin ee gacanta ku heysa dhismaha Dekedda, kuwaas oo uga warbixiyay sida ay u socoto shaqada dhismaha Dekedda iyo xilliga la doonayo in lasoo gaba-gabeeyo.

Dekedda Garacad ayaa dhismaheedu mareya meel wanaagsan, waxaana soo gaba-gaboobay dhismaha jambiga kowaad ee Maraakiibtu kusoo xiran doonto, oo dhan 100-Mitir, kaas oo xariga laga jari doono, waxaana bilaaban doona dhismaha jambiga labaad oo ka kooban 170-Mitir, sida ay sheegeen Injineerada gacanta ku haya dhismaha Dekedda.

Idilnews