Maxay ka wada-hadleen Guddoomiyaha G/Bari iyo Hay’adda WFP ?

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta waxa uu kulan la qaatay Madaxda sare ee hay’ada WFP.

Intii uu socday kulanku ayaa waxa ay ka wada hadleen shaqooyinka hay’adu ay ka wado Gobolka Bari, xoojinta iskaashiga iyo xiriirka WFP Iyo Maamulka Gobolka, hormarada iyo mashaariicda socda sidii loo xoojin lahaa,

Guddoomiyaha ayaa kusoo dhoweeyay Xafiiska waxa uuna uga mahadceliyey kulankan isagoona uga warbixiyay xalaada guud ee Gobolka iyo baahiyaha jira.