Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran oo ka furmay Teendhada Afisyooni

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Doorashooyinka ayaa goor-dhaweyd ka furmay Teendhada Afisyoon ee magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo qodobo ay kamid yihiin Habraaca doorashada Golaha Shacabka BJFS iyo raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroonin.

Shirkan oo uu shir-guddoominayo Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Banaadir maalmaha soo socda socon doona, iyadoona gaba-gabadiisa laga soo saari doono War-murtiyeed.

Idilnews