Soomaaliya oo ka qeybgalaysa bandhig caalami ah

Wasiirka Wasaaradda Bartoolka Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa waxaa la filayaa in magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika uu uga qeyb galo Shirka Toddobaadka Tamarta Afrika.

Wasiir Cabdirashiid ayaa sheegay in shirkaasi Soomaaliya uu fursad u yahay , isla markaana lagu casuumay shirkado waawayn oo danaynaya in ay Soomaaliya la galaan wadaxaajood ku saabsan fursadaha sahaminta tamarta dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Shirka todobaadka tamarta Afrika ee Magaalada Cape Town uu kor u qaadayo fursadaha ay soomaliya u heli karto in laga sameysto malgashi la xiriira Khayraadka iyo Macdanta Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Bartoolka Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdirashiid Maxamed Axmed oo hadal ka jeedin doona kulankaas ayaa markale waxaa uu ku celin doonaa in dalka uu u furan yahay maalgashi, islamarkaana uu diiradda saaridoono sidii wadahadal wax -ku -ool ah loola yeelan lahaa maal -gashadeyaasha todobaadka Tamarta Afrika.

Kulanka Toddobaadka Tamarta Afrika oo ay goobjoog ka noqon doo na n Shirkado waaweyn ayaa waxaa la doonayaa in lagu mideeyo daneeyayaasha tamarta Afrika, si kor looguu qaado kobcinta warshadaha iyo Afrika inay noqoto mustaqbalka Waaxda tamarta ee Caalamka.