UK oo shaqaale caafimaad ka qaadanaya dalka Kenya

Dalka Kenya waxaa ka bilowday qorsho ay dowladda dalkaasi dalka Ingiriiska ugu dirayso shaqaalaha daryeelka caafimaadka ah ee shaqa la’aanta ku ah gudaha dalka Kenya, kuwaas oo ka faa’idaysanaya mashruuc cusub oo ay dhamaadkii bishii July kala saxiixdeen labada dowladood ee Ingiriiska iyo Kenya.

Mashruucan ayaa lagu caawinayaa dadka Kenyanka ah ee caafimaadka bartay ee shaqa la’aanta ah.

Qorista dufcaddii ugu horraysay ee shaqaalaha daryeelka caafimaadka oo loogu talagalay shaqo qorista sida waafaqsan heshiiska, oo u badan kalkaaliyayaal caafimaad ayaa ka billabatay dalka Kenya.

Idilnews