Warshad soo saarta Oxygen-ta oo laga hirgaliyay Magaalada Garoowe

Wasiirka wasaraadda caafimaadka Dawlada Puntland Dr Jama Farax Xasan ayaa maanta kormeeray warshad cusub oo soo saaraysa Oxygenta oo ay ka hirgalisay shirkadda maxaliga ah ee dawooyinka keenta ee shaafici.

Warshadan ayaa noqonaysa middii ugu horaysay ee laga hirgaliyo Garowe taas oo soo saaraysa Oxygenta loogu talagalay in laga iibiyo dadka baahida oxygen ubaahan iyadoo lagu jiro waqtiga Covid19.

Wasiirka ayaa kormeerkiisa ugu talagalay inuu dhiirigaliyo ganacsatadda keenay warshadan waqtigii ugu baahi badnayd taas oo meesha ka saari doonta yaraantii Oxygen ee ka jirtay Puntland.

Wasiirka ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta shirkadda Shaafici inay ka shaqeeyaan sidii dadka looga iibin lahaa qiimo macquul ah lagana shaqeeyo inaysan kala go’in soo saarista Oxygenta.

Warshaddan oo casri ah ayaa soo saaraysa Oxygen badan maalin kasta waxaana ay ugu talagashay in cisbitaalada gaarka ah looga iibiyo iyo dadka xanuunka Covid19 uu soo rito.

Shirkadda Shaafici ayaa wasaraadda ugu deeqday 20kii xabo ee ugu horeeyay ee warshaddu soo saarto.

Idilnews