Doorashada Fadaraalka oo ay ubadan tahay in dib udhac weyn ku yimaado

Doorashadu waxay ubadan tahay in ay dib udhacdo ilaa 8-bilood oo danbe,markay ugu soo horaysana ay qabsoonto Sanadka cusub Bishiisa Afraad ama 6-aad.

Rooble wax deg-deg ah kuma jiraan oo waxuu danaynayaa in mudo xileedkiisu sii jiro.

Madaxweyne Deni wax deg-deg Doorasho ah kuma jiraan oo waxuu qorshaystay in uu buuxsado 4-sano ka hor intuusan isku sharixin Fadaraalka.

Qoor-qoor wax deg-deg ah kuma jiraan,waxuuna ku dooodayaa in dagaal argagixiso la dirir ah uu ku jiro.

Guudlaawe deg-deg kuma jiro,waxuuna ku mashquulsan yahay xaalada Beledweyne.

Axmed Madoobe iyo Laftagareen,sidoo kale dood kama qabaan dib udhaca la saadaalinayo.

Jibril Qoobey.