Faallo:-Yaa helay libinta Heshiiska Doorashada ?

Shirkii,waxuu kusoo idlaaday sida ay qorshaysteen Dowlad Goboleedyada.

Arimaha muhiimada lahaa ee in la xuso mudan waa…

1.Ergada waxaa soo xulaya Odoyaasha iyo Bulshada Rayidka ah,taasi waxay ka badbaadisay Madaxda D.Goboleedyada in ay iska hor yimaadaan Beelaha.

2.Odoyaasha soo xulaya Ergada dooranaysa Xildhibaanka,waxay ka imaanayaan kuwa u Diiwaan gashan Wasaarada Arimaha Gudaha ee D.Goboleedka,halkaas waxaa ku dhintay Odoyaashii ay Dowlada Fadaraalku diyaarsatay,waxaana dabar lasoo gashtay Odoyaasha awooda uyeelanaya wax soo xulida,si gaar ah Qodobkan waxuu nafis u yahay Jubaland.

3.Labada-Xubnood ee Bulshada rayidka ka imaanaysa ee wax soo xulaysa,waxaa soo magacaabaya Gudiga Doorashada heer D.Goboleed,taasoo ka dhigan in Madaxweynaha D.Goboleedku keensanayo Cida uu rabo.

4.Ergada lasoo xulo ee dooranaysa Xildhibaanada,waxaa hubinaya Gudi Amni oo Heer D.Goboleed ah,taasoo meesha ka saartay awoodii Gudiga Doorashada iyo Gudiga Amni ee Heer Fadaraal.

5.Qoondada Haweenka,waxaa xaqiijinaya Madaxweynaha D.Goboleedka,waxayna la micno tahay taasi Gabar uusan wadan in aysan gudbin ama Odaygii wata Nin aysan D.Goboleedku raali ka ahayn in lagu badalo booskiisa Haween.

Waa lasoo afjaray Cirro iyo Gudigiisii uu ku gorgortamayay.

Dhamaan awoodihiisii hoos baa loo dhigay,waxaana lagu soo koobay kor joogtayn.

Weerar dadban ayay Dowlad Goboleedyadu ku ekeeyeen Gudoga Doorashada heer Fadaraal.

Farmaajo heshiiskan khatar kuma ahan oo dhan walba Lug buu kula jiray hadana dhanka tooda meel marsaday waxuu ku leeyahsy Rag.

Qodobka toos looga tuuray ee looga adkaaday waa Odoyaasha,iyadoo la halgaaday kuwii Hotelada Xamar ujiifay.

Ciyaarta cusub iyo sida uu uga qadeeyo,ayaa xiiso leh.

Heshiiskan cida kaliya ee uu qadiyay cidlana udiray toosna uhoos geeyay Madaxda D.Goboleedyada waa Midowga Musharaxiinta.

Jibril Qoobey.