Mareykanka oo cunaqabateyn kusoo rogay Wasiirka Difaaca Eratrea

Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay Wasiirka Gaashaandhigga Eritrea oo lala xiriiriyay xadgudubyo ka dhan ah bani’aadanimada oo Ciidamada Eritrea ka geysteen Gobolka Tigray ee Itoobiya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayuu ku yiri “Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay hoggaamiyaha Ciidamada Difaaca Eritrea oo la xiriira xadgudubyo ba’an oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhacay Itoobiya.”

Sidoo kale, Mareykanka ayaa ugu baaqay Eratrea inay Ciidamadeeda kala baxdo Itoobiya. “Waxaan ku boorinaynaa Eritrea inay ciidamadeeda kala baxdo Itoobiya iyo in dhammaan dhinacyada isku haya ay u hoggaansamaan xabbad -joojin wada xaajood ah oo ay joojiyaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha.”