Maxay kawada hadleen W.Maaliyada Puntland iyo Xasan Cali Khayre?

Xalay kulan aad udheeraa oo saacado badan qaatay,waxaa ku kulmay Wasiirka Maaliyada Puntland Xasan Shire Abgaal iyo Rw hore Khayre.

Kulanka,ayaa ka dhacay Hotelka Khayre ka degan yahay Muqdisho,iyadoo Abgaal ugu tagay Hotelkiisa.

Sida aan xogta ku helay Xasan Wakiil kama ahayn Puntland mana jirin qorshe Dowladu ku ogayd oo uu Khayre kula kulmay.

Balse waxaa horay suuqa ugu jirtay in Xasan uyahay Khayre Olaleeyihiisa Puntland uqaabilsan.

Lama oga in Madaxtooyada Puntland kulankaas ka hadli doonto iyo in kale.

Kaliya waxay Dadku fahansan yihiin in Xasan yahay Wasiir ka mid ah Golaha Wasiirada Puntland oo uusan ahayn Qof iska caadiya.

Jibril Qoobey.