Qardho: Booliska Gobolka Karkaar oo gubay Hoggo Dhuxul ah oo la shidayay (VIDEO)

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Karkaar Iyo Maamulka degmada Qardho ayaa ku guuleystay in ay gubbaan hoggo dhuxul ah, kuwaas oo lagu shidayay godad laga sameeyay buuraha ku hareeraysan Magaalada Qardho.

Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar G/Sare Faarax Nuur Maxamed yaa sheegay in lagu daba-jiro ragii dhuxushaan gubayay, waxa uu ciidamada iyo bulshada reer guuragaaga uga mahad-naqay dadaalka ay sameeyeen ee la xiriirta ka hortaga xaalufka deegaanka.

Taliyr Faarax waxa uu tilmaamey in sidaan oo kale ay hawl-galo hore oo ay sameeyeen ay ugu gubeen hogo kale oo isla dhulka xoolo daaqeenka ah ee degmada Qardho laga shidayay, ugi danbaysa waxa uu xusay in maxkamad la hor keeni doono dadka ka shaqaynayay nabaad guurka deegaanka.

Duqa Degmada Qardho Cabdi Saciid Cismaan dhankiisa waxa uu u mahad-celiyay Bulshada Degsiimada oo markasta xogta la soo wadaagta, Ciidamada ayuu ku bogaadiyay shaqada ay hayaan, waxa uuna sheegay in dawlada Puntland aysan marnaba u dul-qaadan doonin in lasoo celiyo jarista dhirta oo mar hore la joojiyay.

Idilnews