Roobab xooggan oo ka bilowday deegaanada Gobalka Bari

Roobabka deyrta ayaa ka curtay deegaano kamid ah Gobalka Bari, kuwaas oo ay ku diirsadeen shacabka kunool degmada Ufeyn iyo deegaanada hoostaga.

Roobabkan oo ah kuwo mahiigaan ah ayaa da’ayay ilaa xalay, mana jirto wax khasaare ah oo lasoo wariyay inay ka dhasheen.

Maamulka Gobalka Bari oo qoraal soo saaray Axadii ayaa ka digay in 48 saac ee nagu soo fooda leh ay ka da’ayaan Gobalkaas roobab xooggan oo dabeylo wata, waxaana loogu baaqay shacabka kunool dhulka godan, togaga iyo deegaanada xeebaha dhaca ee Gobalkaas inay muujiyaan feejignaan, sidoo kale kalluumeysatada iyo laashashka ku safra badda ayaa loogu baaqay inay joojiyaan socodka.

Idilnews