Addis Ababa: Gen. Odawaa oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Itoobiya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Odawaa Yuusuf Raage, ayaa kulan kula qaatay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya Taliyaha Ciidanka Difaaca Itoobiya Gen. Birhanu Jula.

Labada Taliye ayaa ka wada-hadlay dadaalka Soomaaliya sidii ay militeri ahaan isugu filaan lahayd, sida ku warantay Warbaahinta Dowladda Ethiopia EPA.

Socdaalka uu Addis Ababa ku tagay Gen. Odawaa ayaa kusoo aadaya xilli Itoobiya ay dhex dabaalaneyso mowjado dagaal, uuna dalku galay dagaal sokeeye, sidoo kale Ciidammada Soomaaliya la sheegay inay ka qeybgaleen colaada Itoobiya.

Idilnews