Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo xubno kale oo shaqo joojin lagu sameeyay

Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Puntland ayaa shaqo joojin ku sameeyay Masuuliyiin katirsan Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland, kuwaas oo lagu eedeeyay inay lunsadeen Hanti dadweyne.

Xubnaha shaqo joojinta lagu sameeyay oo ah 4 ayaa Hanti-dhowrka Puntland sheegay inay natiijada hordhaca ah ee baaris lagu sameeyay ay muujinayso lunsasho hantiyeed oo ay sameeyeen masuuliyiintan oo kala ah;

1: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax.

2: Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Waxbarashada Puntland Mahad Colaad Maxamed

3: Xisaabiyaha Wasaaradda Waxbarashada Puntland Axmed Jaamac Geelle.

4: Madaxa Maaliyadda Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cabdullaahi Axmed.

Idilnews